Baarlamaanka Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta xilka lagu wareejiyay kaddib munaasabad ka dhacday Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si rasmi ah xilka kala wareegay, Sii Hayihii Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, kaddib Munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Ibrahim Muudey, xildhibaanno, wasiirro ka tirsanaa xukuumadda xil gaarsiinta iyo xubno ka socday Safiirada Beesha Caalamka ayaa ka qeyb-galay munaasabad.

Mudane Muudey iyo mas’uuliyiintii ka qeyb-galay munaasabada, ayaa Ra’iisul wasaaraha cusub u rajeeyay in shaqada uu halkeedii kasii waddo, iyagana ay taageero la garab taaganyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagula dar-daarmay in xukuumaddiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo, madaama dalka hadda wixii ka dambeeya uu galli doono doorasho.

Warar kale oo la xiriira