Baarlamaanka 

Xisbiga Wadajir oo soo dhoweeyay ansixintii Heshiiska Doorashada, baaqna u diray Ra’iisul wasaaraha

Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cadbdi Shakuur Warsame, ayaa soo dhoweeyay go’aankii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ku ansixiyeen heshiiskii dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada ka gaareen hannaanka doorashada heer federal.

Xisbiga ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha in si caddaalad iyo hufnaan leh u fuliyo heshiiska wadatashina la yeesho saamileyda sida tooska ah heshiiska ugu lugta keh iyo musharraxiinta xilka kula beratamaya madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka akhriso;-

Warar kale oo la xiriira