Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiis ay gaareen dowladaha Somalia iyo Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddomiye ku xigeenka kowaaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta shir-guddoomonayay kulankii 28-aad ee Baarlamaanka

Jandayaasha kulanka maanta ayaa kala ahaa akhrinta kowaad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Haya’adda Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsig iyo akhrita koowaad ee hidise sharciyeedka Qaxootiga. Dhinaca kale xildhibaannada oo dood adag yeeshay ayaa u codeeyay heshiiska iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga

Xildhibaannada Golaha ayaa sidoo kale akhrinta koowaad marsiiyay hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaan Gelinta Dadweynaha iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Qaxootiga

Warar kale oo la xiriira