Baarlamaanka 

Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo gaaray magaalada Jowhar

Guddigii dhowaan uu magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka.

Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle oo 29-ka bishii lasoo dhaafay ee agoosto la magacaabay, ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana tan iyo markii la magacaabay ay ku sugnaayeen Mogadishu.

Deegaannada Hirshabeelle ayaa dhowaan waxaa ka bilowday dhaq dhaqaaqa doorashooyinka, waxaana jiray siyaasiyiin badan oo u taagan kamid noqoshada Baarlamaanka maamulka.

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Hirshabeelle, ayaa dhowaan la filayaa in shaqooyinka loo igmaday ay biloobaan, kuwaas oo ay u horreeyaan la Kulmida odayaasha dhaqanka.

Warar kale oo la xiriira