Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan casho sharaf iyo is cafin ah u sameeyay Xildhibaannada iyo Senatarada laga soo doortay Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xalay munaasabad isugu jirtay casha sharaf iyo isxog wareysi u sameeyay xildhibaannada iyo senatarada labada Aqal ee Baarlamaanka ee deeggaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, oo ka qeb-galay munaasabada ayaa sheegay in kuraasta qaar dadka ku fadhiya looga xaq leeyahay oo ay jiraan dad u dhintay in eheladooda oo lagu xushmeeyo.

“Kuraastaan qaarkood dadka ku fadhiya waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Munaasabada intii ay socotay ayaa xildhibibaannada waxaa ay dalbadeed in la cafiyo, madaama munaasabada qey kamid ah ay aheyd mid is cafin ah oo wixii madmadow ahaa ee siyaasadeed ka dhashay meesha looga saarayay.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Jawaari, oo adkeynayay is cafinta ayaa kula dar daarmay mudanayaasha wixii khilaafaad ah ee ka dhashay siyaasadda meesha laga saaro isla markaanna danta dalka laga wada shaqeeyo.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira