Baarlamaanka 

Guddiga maaliyadda iyo miisaaniyada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan is-wareysi ah

Guddiga maaliyadda, miisaaniyada, qorshaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa, ku yeeshay kulan ajandihiisu ahaa kala war-qaadasho iyo is-wareysi.

Guddoomiyaha Guddiga Mudane Maxamuud Cabdulaahi Siraaji, oo shir-guddoominayay kulanka ayaa sheegay in xubnaha ay kala waqaadasho kaddib, ay ka hadleen howlaha dhiman madaama muddo xileedka Baarlamaanka uu dhammaad ku dhowyahay.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyada, qorshaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Golaha Shacabka ayaa todobaadkii hore kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, sidoo kale isla maalintaasi waxaa ay kulan ka yesheen dib u eegista Sharciga Hanti-dhowrka Qaranka.

Warar kale oo la xiriira