Baarlamaanka 

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo gaaray Gobolka Karkaar oo ay ka socto dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa gaaray degmadda Rako-raaxo ee Gobolka Karkaar halkaas oo ay ka socto dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka, waxaana ku soo dhaweeyay shacabka degaanka.

Xildhibaanadda ayaa waxaa safarkooda shaqo qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuqraadiyeynta DPL, Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka & Guryeynta DPL iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda & Ciyaaraha DPL , Iyo Maamulka Gobolka Karkaar.

Wafdiga Xildhibaanadda & Wasiiradda DPL ayaa lagu wadaa ka dib dhismaha Maamulka iyo Golaha degaanka degmadda Rako-raaxo inay dadweynaha ku Wacyi-geliyaan Hannaanka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda Dawladda Puntland.

Warar kale oo la xiriira