Baarlamaanka 

Guddiga Dhaqaalaha Baarlamaanka Puntland oo warbixino ka dhageysteen Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Nugaal.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda DPL Abshir Maxamed Abshir, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal Cabdiwali Xassan Nuur iyo Maamulaha Cashuuraha Beriga ee Gobolka Nugaal Sharmaarke Maxamed Warsame.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

Warar kale oo la xiriira