Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo magacaabay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Xildhibaannada iyo Senatarada Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta magacaabay Guddi Xildhibaano iyo Senataro ka kooban oo qaban-qaabinaya, doorashada Xildhibaannada labada aqal ku matali doona gobolada Waqooyi.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, halka Xildhibaan Maxamed Cumar Carte loo magacaabay guddoomiye ku-xigeen

Warqadan uu Gudoomiyaha Aqalka sare ku magacaabay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa loo kala direy Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda dowlada goboleedyada.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 26-ka bishan September ansixiyey heshiiskii doorashada ee ay wada gaareen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, maammul goboleeddada iyo gobolka Banaadir.

Warar kale oo la xiriira