Aragti 

Hab dhaqanka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ummad waliba wuxuu salka ku hayaa feker iyo falsafad

Hab dhaqanka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ummad waliba wuxuu salka ku hayaa feker iyo falsafad. Taariikhda, fanka, suugaanta, masraxa iyo sheekooyinka waa hannaanka hiddo dhaxalsiin ee bulshada. Waa muraayadda uu faca haatan nool ka arko habdhaqankii nololeed ee jiilashii iyaga ka horeeyey. Fekerku waa curiyaha hannaanka bulsho ku wada shaqeyn karto, ku ilaashato waxay wadaagto ee hiddo iyo dhaqan ah, sida ay ku wada noolaan karto iyadoo aragtida siyaasadda, fekerka iyo fahamka diinta ku kala duwan. Fekerku waa kan noolaha caaqilka ah hoga tusaaleeya, fursadna u siiyaa helidda aragtiyo kala duwan oo uu is barbadhigo, kala doorto kuna dhiso himillada iyo hiraal ka nololeed. 

Fekerka wuxuu ummadaha awood u siiyaa in ay goyso xargaha xannibaya, wuxuu ka tallaabiyaa aragtida haraadiga ah, siiyaana wacyi ay sare ugu qaaddo garaad wadareedkeeda ku aaddan halista iyo hiigsiga ummadeed, wuxuu kasbiyaa ku dhac iyo kalsooni. 

Waxa ugu weyn ee ay Diinteenna suubbani la timid waa in ay xoreyso caqliga bani’aadanka, dhiirrageliso fikirka, caqliga, xikmadda, maangalka iyo fiirsashada. 

Nabigeenna (NNKH) wax mucjisooyin dabiici ah oo muuqda lalama soo dirin. Wuxuu la yimid dood, feker iyo aragti uu ku dhaliilay nolosha bulshadii uu la noolaa. Wuxuu kaloo sheegay in xikmaddu tahay baadi Muslimka ka maqan, saxaabadiisana wuxuu ku yiri arrimaha adduunkiina idinka ayaa ku ogaal badan. Wuxuu oggolaaday in talooyinkiisa waxyiga ka baxsan lagala doodo, la dhaliilo, lana saxo. Wuxuu yiri bani’aadan idinkoo kale ah ayaan ahay. 

Fekerka waxaa curiya culimmada aqoonta diinta, falsafada, akhlaaqda iyo Indheer-garadka leh aqoon qodan oo mug iyo baaxad leh. Culimmada iyo Indheer-garad kuba lama fal galaan dhacdooyinka maalin laha ah ee bulshada, ee waxay eegaan xuddunta iyo asalka mushkiladda, baaxadda iyo ubucda saameyneed ee ay yeelan karaan. Waxay ummadda kaga digaan timaaddada halista ah, waxay jawaabo u raadiyaan caqabadaha iyo taxaddiyaadka xilliga taagan, waxay dejiyaan halbeeg ay bulshadu ku qiimayso hoggaanka dalkooda iyo guud ahaan hab-nololeedka siyaasad, dhaqaale, iyo dhaqan intaba. 

Yurub xilligii ay dagaalladii diimaha, boqortooyada, dhulgoosiga iyo isir dirirka gashay, waxaa u kacay faylasuufyo iyo indheergarad la yimid aragtiyo mugdiga looga samata baxo. Waxaa raggii lagu baxsaday ee raadka taariikheed reebay, ilaa iyo maatana la xuso ka mid ahaa, Locke, Hume, Hegel, Nietzsche, Kant, Hobbes, Galilei, Rousseau, Montesquieu, Burke, Tocqueville, Smith iyo kuwo kale. 

Suxufiyiinta iyo falanqeeyayaasha siyaasadda waxay inta badan la fal galaan dhacdooyinka maalin laha ah, halka ay siyaasiyiinta iyo dhaq dhaqaaqayaasha bulsho ay ka falceliyaan. 

Waxaa qasab ah in la helo feker iyo aragti looga samata baxo hooga na haysta, taas ayaana lagama maarmaan ka dhigaysa in hoggaanka dalku la gole yimaado feker iyo aragti siyaasadeed, dadkana kala doodo, kuna qanciyo. 

Dalkeennu waa ka soo daalay hal ku dhigyo xamaasi iyo ballanqaadyo aan la fulin, suuragalna maaha in aan ficil isku mid ah ku celcelino, filanana natiijo hor leh. Dalkeenu wuxuu baahi badan u qabaa ficilka hortii, feker iyo aragti siyaasadeed oo uu ficilka ka bari gantaalo, xalna loogu helo caqabadaha iyo taxaddiyaadka is dul saaran.

Afarta sano ee haatan soo idlaan rabta, hoggaanka dalka lagama hayo feker iyo aragti siyaasadeed, lamana gole imanin dood lagula garnaqsado, oo lagu taageero ama lagu diido.

Hoggaan dal Soomaaliya oo kale ah oo marxalad Dib-u-dhis ku jira, kana soo kabanaya burbur iyo qaran jab, lana doonayo in laga digtoonaado wixii dowladdiisa dumiyey, waa waajib in hoggaankiisu karti u leeyahay dood fagaare oo ay shacab, aqoon yahan, indheergarad iyo siyaasiba qayb ka yihiin, si loo helo hiraal qaran iyo himillo ummadeed.

W/Q Abdirahman Abdi Shakuur Warsame 

Warar kale oo la xiriira