Baarlamaanka 

Guddiga farsamada iyo soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee Hirshabelle oo magaalada Jowhar ka wada kulamo

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada iyo soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka 2aad Hirshabelle Cismaan Maxamed Muqtaar Cismaan Baarey, ayaa shir-guddoominayay kulamo uu guddigiisa saacadihii lasoo dhaafay ay ku yeelanayeen magaalada Jowhar.

Guddigan oo todobaadkii hore gaaray magaalada Jowhar, ayaa tan iyo xiligaasi waxaa ay kulamo la lahayeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, madaama odayaasha ay soo xulayaan xildhibaannada.

Guddiga Farsamada soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hirshabelle ayaa la filayaa in ay dhowaan ku dhawaqaan magacyada xildhibaannada Golaha kaddibana loo diyaar-garoowo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Warar kale oo la xiriira