Warar 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo amar dul-dhigay Golaha Wasiirrada ee xil-gaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa faray Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xil-gaarsiinta in Ra’iisul Wasaaraha lagala tashado go’aan kasta oo ay gaarayaan ama qoraal kasta oo ay soo saarayaan.

Mudane Rooble ayaa ku amray in la tashi kaddin nuqul ka mid ah qoraaladooda ay soo ogeysiiyaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Sii Hayaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka. Lama aqbali doono talaaba kasta oo ka hor-imaanaysa tolmaamahaasi ayuu yiri.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray boosas la beddelayo, xil ka qaadis iyo magacaabis, waxaana muuqata in xafiiska Ra’iisul wasaaraha uusan ka war heynin tallaabooyinkaasi.

Warar kale oo la xiriira