Baarlamaanka 

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo warbixinno ka dhageystay madax-guddiyeedyada

Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad  Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada.

Warbixinnada laga dhageystay ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo  kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada , gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo  is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga.

Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen  in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay  dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland.

Warar kale oo la xiriira