Baarlamaanka 

Xasan Sheekh oo tala siinaya Farmaajo ayaa yiri “Dadka aan laheyn waaya-aragnimada, ayaa ku haminaya in xildhibaanno u codeeya ay soo saartaan”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ee 2020/21 ayaa sheegay in maanta aysan jirin, qof Soomaaliyeed oo go’aanka loo gaari karo ama la dhihi karo, anniga ayaa xildhibaan kaa dhigay ee ii codeey, waana lasoo tijaabiyay oo horay ayaa loosoo arkay.

Mudane Xasan Sheekh, ayaa habeen ka hor doorashadii 2017-kii waxaa la casheeysay xildhibaanno laba boqol kor u dhaafaya, kuwaas oo u ballanqaaday in ay dooranayaan balse maalintii doorashada uma aysan codeynin.

Mudane Xasan ayaa lagu eedeeyay in isaga uu kaalin ku lahaa soo saarida xildhibaanno dhowr ah si ay isaga u doortaan.

Madaxda dowladda federaalka, ayaa sidaasi oo kale hadda iyagana lagu eedeynayaa in ay doonayaan in xildhibaanno iyaga taageersan ay soo saaraan, si ay ugu codeeyaan.

Balse Xasan Sheekh oo waaya-aragnimadiisa ka hadlayay ayaa yiri, “Qof Soomaaliyeed oo qof kale adoon u ah ma jiro, dadku dadnimo, Diin iyo caqli ayey leeyihiin, go’aannadoodana iyagaa gaara oo looma gaaro, waana lasoo tijaabiyay wax badan oo hore ayaa lasoo arkay” ayuu yiri.

“Maanta qof dad soo kexeysan kara, oo isaga uu leeyahay oo meel isugu keeni karo ma jirto. Dadka aan waaya-araga aheyn, waxaa ay ku haminayaan dad yar oo askar ah oo gaardinaya oo u codeynaya iyaga in ay soo saaran karaan Laakiin waxaan dhihi lahaa taas hortaa jiraa waayay. Sidaasi darted meeshaasi xalka iyo mushkulad kama jirto. Aniga ma qabo in wakhti badan la isaga lumiyo gaar ahaan dadka talada jooga, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira