Baarlamaanka 

Xildhibaanno iyo Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland oo maanta gaaray degmada Afmadow

Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo gudigga madaxa banana ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Afmadow.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo kamid ah BFS iyo Gudoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre iyo Xildhibaan Sahra Dable oo kamid ah golaha wakiilada Jubbaland ayaa qayb ka ah wafdiga iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga doorashooyinka.

Waxaa ay u yimaadeen Afmadow hawlaha dar-dar gellinta dhismaha golaha deegaanka, waxaana halkaasi kaga sii horreeyay masuuliyiin kale oo maamulka ka tirsan.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa deeggaanno kamid ah Jubbaland ka socday howlaha la xiriira dhismaha golayaal deeggaan. 

Warar kale oo la xiriira