Warar 

Shir looga hadlayay amniga arrimaha doorashooyinka oo Muqdisho lagu qabtay

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha amniga doorashooyinka iyo sidii Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Xubno kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka ayaa ka qeyb-galay shirka.

Doorashooyinka dalka Soomaaliya ee sannadka 2020/2021 oo bilaabanaya bisha soo socota ayaa waxaa loo qorsheyay in maamul-goboleed kasta ay ka dhacdo laba gobood.

Warar kale oo la xiriira