Baarlamaanka 

Guddiga Qorsheynta ee Baarlamaanka Puntland oo kulan la qaatay madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha

Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha DFS ee Puntland.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd la socoshada shaqooyinka Hay’adda sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 62.2.

Guddiga ayaa shirka la qaatay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha DFS ee Puntland Cabdullaahi Cusmaan Ismaaciil (Fu’aad) iyo xubno ka tirsan Hay’adda, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Agaasimaha.

Kulanka Guddiga ayaa lagu sheegay mid qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

Warar kale oo la xiriira