Warar 

Xisbiga Wadajir oo ku baaqay in aan dhimaha maamulka Hir-Shabeelle loo adeegsan daneysi gaaban iyo sadbursi

Xisbiga mucaaradka ee Wadajir oo maanta soo saaray war-saxaafadeed ayaa caddeeyay sida uu uga walaacsanyahay hawlaha maamul u dhisida Hir-Shabeelle. 

Xisbiga ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin loo sameeyo beelaha deegaanka inta aan maamulka la dhisin, iyadoo si simana looga qaybgeliyo beelaha iyo saamilayda siyaasadeed dhismaha maamulka iyo dib u heshiisiinta, mana aha in sadbursi iyo dano doorasho loo adeegsado maamul samaynta Hir-Shabeelle.

Waxaa uu ku baaqay in aan lagu deg-degin dhimaha maamulka, ka hor inta aan dib u heshiisiin loo sameynin.

Halkan ka akhriso 

Warar kale oo la xiriira