Baarlamaanka 

Guddiyo kamid ah Aqalka Sare oo loo qabtay tababar ku saabsanaa is-barbardhigida ansixinta heshiisyada caalamiga ah

Hay’adda MaxPlank ayaa soo qaban-qaabisa tabar-tababar ku saabsanaa is-barbardhigida ansixinta heshiisyada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay xarunta Golaha Aqalka Saree e Magaalada Mogadishu.

Tababarka waxaa ka qeyb-galay Guddiga Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Dibu Heshiisiinta iyo xiriirka Dowlad-Gobolleedyada.

Guddiyada ka qeyb-galay kulanka ayaa sheegay in aqoon kororsiga uu ahaa mid aad u dhisaya fahamkooda ku aadan ansixita xeerarka dalka muhiimka u ah, isla markaana keenaya maal-gasho in dalka lagu sameeyo.

Warar kale oo la xiriira