War-Saxaafadeedyo 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in Doorashada Hirshabelle uu u tartami karo muwaadin kasta oo deeggaanka kasoo jeeda

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaannada Hirshabelle oo maanta shir-jaariid ku qabtay magaalada Mogadishu, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa ka tashiga xaaladdaha deeggaanka Hirshabelle, gaar ahaan doorashooyinka. 

Xildhibaannada oo war-saxaafadeed kasoo saaray shirkooda ayaa ku baaqay in doorashada Hirashabelle ay ku dhacdo wakhtigeeda. Waxaa ay garab-istaag u muujiyeen guddiga farsamada ee xuulista xildhibaannada.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in muwaadin kasta oo kasoo jeeda Hirshabelle, uu u tartami karo doorashada maamulkaasi.

Gobolka Hiiraan ayaa ku doodaya in Madaxweynenimada maamulkaasi aysan cidna kula tartamin sida ku cad heshiiskii dhismaha maamulkaasi, halka Caasimada maamulkaasina aan laga wareejin karin Magaalada Jowhar.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira