Baarlamaanka 

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Baarlamaanka Puntland oo kormeer ku tagay Bangiga Dawladda Puntland

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kormeer shaqo ku tagay Bangiga Dawladda Puntland.

Madaxda Bangiga ayaa guddiga uga warbixiyey shaqooyinka Bangiga, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira.

Dhinaca kalena, Guddiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Bangiga DPL, iyo dhismaha cusub ee lagu waddo inuu yeesho Bangiga kaas oo dhismihiisa weli socdo.

Kormeerkan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay¬† shaqooyinka guddiyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ay ku tagaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha xiriirka wada shaqayn la leh.

Warar kale oo la xiriira