Baarlamaanka 

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo daah-furay ceel laga qoday deeggaanka Hul-kujir

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shalay ka qayb-galay munaasabad kooban oo lagu daah-furayay, ceel matoor laga hirgaliyay Deegaanka Hul-kujir oo dadka deeggaanka ay maal-geliyeen.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi iyo Sheekh Cabdikariin Xasan Aadan oo ka tirsan mas’uuliyiinta Maamulka magaalada Xeraale ayaa si wada jira u soo dhaweeyay ceelka cusub oo ay shegeen in si wada jira ay uga fa’aiidaysan doonaan dadka iyo Xoolaha.

Quulle Uurdoox Shaaciye iyo Faysal Qorane oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee qaybta ku lahaa hirgelinta Ceelkaan ayaa warbixin iyo Codsi la xariira Ceelkan la wadaagay dadkii ay ku casuumeen furitaankiisa.

Maamulaha Shirkadda Hormuud Faarax Axmed Cali, Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali iyo Xildhibaan Xasan Kaynaan oo ka nid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay qayb ka qaadan doonaan dhamaystirka baahiya ka dhiman Ceelka.

Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug Daahir Salaad Guuleed, Wasiir ku xigeenka Boostada Galmudug Cabaas Xuseen Cali iyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda hawlaha Guud ee Galmudug Mahad Xasan Sheekh Yuusuf ayaa bulshada ku booriyay inay joogteeyaan dadaalada ay dhexdooda wax isugu qabanayaan.

Wasiirka Wasaaradda Masiibooyinka iyo Gargaarka Galmudug Cadiraxmaan Maxamed Diiriye Makaawi iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dibu Heshiisiinta Galmudug Cabdi Waayeel ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay nabad ku wada cabaan biyaha ceelka.

 

Warar kale oo la xiriira