Baarlamaanka 

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka oo Mogadishu kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiiro ayaa soo dhoweeyay madaxweyne ku-xigeenka oo ka qeybgalaya aaska Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya AHUN Cali Khaliif Galayr.

Xubno isugu jira Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Airport ee Muqdisho.

Warar kale oo la xiriira