Baarlamaanka 

Guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Puntland oo warbixin ka dhageystay wasiir ku-xigeenka Waxbarashada

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee DPL, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda & Agaasimaha Guud.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare ee DPL oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ayaa ka warbixiyey Wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Kormeerka Guddiga ayaa la sheegay in ay weyn ka yihiin shaqooyinka Guddiyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ay ku tageen Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.

Warar kale oo la xiriira