Baarlamaanka 

Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Baarlamanka?

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbed Amb Dr.Ali Said Faqi, oo todobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Mogadishu ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha cusub xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mohamed Xussein Rooble.

Labada dhinac ayaa ka-wada hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo iskaashiga Dowladda FS iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbed Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ay isla garteen in ay isku aragti ka yeshaan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb.Dr . Ali Said Faqi ayaa gellinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay.

Waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka KG Marwo Shamso Maxamed yarrow, wasiiro, Xildhibaano, qaar ka mid ah agaasimiyaasha Koonfur Galbeed ,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Warar kale oo la xiriira