Baarlamaanka 

Muxuu Kufsi ku qeexayaa sharcigii Galmada ee Baarlamaanka uu dib u celiyay?

Laba bil ka hor dood xooggan ayaa ka dhalatay sharciga dambiyada la xiriira Galmada, kaddib markii la keennay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa anshax xumo ku tilmaamay qodobada qaar ee ku jira sharciga, halka kuwa kalenna ay taageereen sharciga, waxaana ay codsadeen in la ansixiyo.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa intaasi kaddib u codeeyay in dib loo celiyo sharciga, isla markaanna wax ka baddel lagu sameeyo.

Sharciga Baarlamaanka uu dib u celiya waxaa uu leeyahay Kufsi waa fal galmo ama jinsi oo qofi ku sameeyo mid kale, iyadoo aysan jirin oggolaansho, sida badana ku dhacda qaab gabood fal oo iskeeda loogu muteysanayo xukun ciqaab iyo mid madani.

Sharciga isaga oo sii caddeynaya kufsiga waxaa kale oo ku qoran “Kufsigu waa fal dambiyeed qof si toos ah oo kas ah ugu beero gelitaankiisa, falkaasi dambigiisna, wuxuu dhacaa marka labada xubnood ee taranku ee labada jinsi ay is galaan, is gaaran ama god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee labka”.

Sharciga sidoo kale waxaa uu dhigayaa qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan sharcigaan qodobkiisa faqrada 2-aad, wuxuu muteysanayaa ciqaabaadka kala duwan ee sharceecada

Ciqaabtu waa sii cuslaanaysaa, haddii dambiiluhu qofka uu kufsaday yahay qof dhimirka looga jiro, naafo nugul iyo carruur yar ama uu mas’uul ka ahaa.

Hassan Istiila

Mogadishu Somalia

Warar kale oo la xiriira