Baarlamaanka 

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Baarlamaanka Puntland oo kormeeray Bangiga Dhexe ee Qardho iyo Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Bangiga Dhexe Dawladda Puntland ee Qardho iyo Xafiiska Xisaabiyaha Gobolka Karkaar.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen Maamulaha Bangiga Dhexe oo ka warbixisay guud ahaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

Isla safarkooda shaqo ayey Guddiga kormeer ku tageen Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Gobolka Karkaar halkaas oo uu uga warbixin kaga dhageysteen.

Guddiga ayaa ka xog wareystay shaqooyinkooda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in shaqadooda si hufan ay u gutaan.

Warar kale oo la xiriira