Baarlamaanka 

Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Xildhibaannada iyo Sanatarada Soomaalida ee ku jira dowladda Kenya

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay Xildhibaannada iyo Sanatarada Soomaalida ee ku jira dowladda Kenya.

Qoraal barta Facebook la soo dhigay ayaa u dhignaa sidan “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna”.

Hasssan Ali Kheyre, ayaa dhowadan wadday olole siyaasadeed kaas oo uu ku doonayo in lagu doorto.

Horraanta sannadka dambe ayaan la qaban doonaa doorashada madaxtininada ee dalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira