Baarlamaanka 

Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga 47aad ee Baarlamaanka Puntland?

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka cayimidda hawl-maalmeedka shaqo ee Kalfadhiga 47-aad, kaas oo lagu waddo inuu furmo dhawaan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimeyaasha iyo Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u furmaya 25 bisha October, sida uu qabo Qodobka 65-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka  DPL iyo Qodobka 42-aad Farqadiisa 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira