Baarlamaanka 

Maanta oo kale sannadkii 2016 ayaa la doortay xildhibaannadii ugu horreeyay ee Somalia

Magaalada Cadaado oo aheyd caasimadii kumeel-gaarka ee maamulka Galmudug, ayaa maanta oo kale sannadkii 2016 waxaa ka dhacday doorashadii  ugu horreysay ee xildhibaannada Baarlamaanka hadda jira.

15-kii October, ayey si rasmi ah u billaabatay doorashaddii Aqalka Sare, waxaana isla maalintaasi la doortay musharraxiinta kala ah.

•- Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari)

•- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

•- Cabdi Axmed Dhuxulow

Abshir Bukhari ayaa ahaa qof kii ugu horreeyay ee guuleystay, wuxuuna sidoo kale noqday qofkii ugu horreeyay ee kursi Aqalka Sare ah loo doortay.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira