Baarlamaanka 

Guddiga Dhawrista deegaanka ee Baarlamaanka Puntland oo maanta booqday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Guddiga Dhawrista deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DPL.

Kormeerka Guddiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Siciid Cismaan Aadan ( Physics) Iyo Agaasimaha Guud Axmed Cabdalla Maxamed, waxayna uga warbixiyeen Xaaladda Xanaanada Xoolaha, dhoofka Xoolaha iyo weliba Xaaladda Xoolaha Puntland oo ah mid wanaagsan.

Warbixinta Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ka saabsaneyd inteeda badan waxyaabaha ay qabtaan Wasaarad ahaan,¬† waxa u qabsoomay, caqabadaha haysta iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadleen isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira, doorkoodna ka qaadanayaan.

Warar kale oo la xiriira