Baarlamaanka 

Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo maanta furmay

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa maanta furay Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur-Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Jawaari iyo marti kale ayaa ka qeyb-galay munaasabada. 

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay xaalada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, xureynta degmooyinka, gayanta iyo Tawabarida Ciidanka, Fulinta Howlgalada Qorshaysan ee lagu Dhibaataynayo Alshabaab iyo udiyaar garowga furida Wadooyinka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada Warbixin ka siiyey Dib-udhiska Magaalooyinka Hirgelinta Mashariic kala Duwan sida Biyooley,Bahnaano,GPLG iyo kuwo kale kuwaasi oo Laga fulinayo guud ahaan Gobolada Baay,Bakool iyo Shabeelaha Hoose 

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in Safaradii uu ku tagay Degmooyinka Koonfur Galbeed ay ahaayeen kuwo uu ugu kuuragalayey Xaaladaha Degmooyinka Waxaana uu xusay in lagu guulaystay in Degmooyinka laga fuliyo Mashariic kala Duwan oo Bulshada Muhiim uah Sida Waxbarashada,Cafimaadka,Dib udhiska Xarumaha Dowlada IWM sidoo kale Madaxweynaha ayaa Xusay in lagu guulaystay in la hormariyo Dhaqaalaha Koonfur Galbeed lagana Dareemayo Isbedel Hormarineed 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jihaysa wadada Hormarka.

Warar kale oo la xiriira