Baarlamaanka 

Maanta maxey ka wada-hadleen Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka dowladda Sweden?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Kulanka Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa lagu sheegay mid saldhig u ahaa iska wareysiga xaaladaha dalka, gaar ahaa halka dalka uu u socdo, madaama doorasho la aadayo.

Waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen shaqada Midowga Yurub, gaar ahaan dowladda Sweden ay ka wadaan Soomaaliya, shaqooyinkaasi oo ay kamid yihiin arrimaha dib-u-eegista dalka, Dasturka, doorashooyinka soosocda iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah.

Safiirka ayaa todobaadkan sidoo kale la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Abdiraxmaan, waxaana kulankooda lagu sheegay in uu ku saabsaa iska wareysiga xaaladdaha dalka.

Warar kale oo la xiriira