Baarlamaanka 

Prof Jawaari oo tababar ku saabsan maareynta howlaha Baarlamaanka siinaya xildhibaannada Koonfur-Galbeed

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Amb Dr Ali Said Faqi, ayaa shalay magaalada Baydhabo tababar ugu daah-furay Xildhibaannada Golaha Wakiilada KGS.

Tababarkan oo muddo saddex maalmood socon doonna, ayaa xildhibaannada lagu bari doonnaa maareynta howlaha Baarlamaanka iyo fahamka Dastuurka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Prof Jawaari, ayaa waaya-aragnimo u kordhiyay xildhibaannada, waxaana uu kula dar-daarmay in fahamka iyo barashada Dastuurka ay waajib ku tahay xildhibaannada.

Furitaanka waxaa ka qeyb-galay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo khubaro bixineysay tababarka. Mudane Jawaari ayaana kamid ahaa khubarada bixinayay tababarka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira