Baarlamaanka 

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay sharciga maareynta deegaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, oo uu wehlinayo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdullaahi Xersi Maxamed, ayaa shir-gudoomiyay kulan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ay ku ansixiyeen Sharciga Maareynta Deegaanka.

Ajandaha kulanka ayaa kala ahaa ansixinta Sharciga Maareynta Deegaanka iyo akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Hay’adaha aan Dawliga aheyn.

Sharcigan Maareynta Deegaanka oo Wasaarada Bay’ada Galmudug ay isbuucii hore horkeentay Baarlamaanka Galmudug ayaa maray akhrinta ilaa afar heer.

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa ansixiyay Sharciga Maareynta Deegaanka, kaddib doodo xooggan oo is-daba socday. 

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Bay’da iyo Guddiga Beeraha Kheyraadka & Bay’ada Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaannada ku ammaanay ansixinta sharciga, kaas oo ay sheegeen in uu muhiim u yahay Galmudug.

Dhanka kale Baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay Hindise-Sharciyeedka Hay’adaha aan Dawliga aheyn, Xildhibaanada qaarkood ayaa soo jeediyay in wax kabadal lagu sameeyo qodobada qaar ee sharcigaan ku jira.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warshadaha Xildhibaan Cabdi Wahaab Maxamed Maxamuud ayaa intii uu socday kulanka Xildhibaannada u sharxay qodobada gudi ahaan ay isbadalka ku sameeyeen.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in todobadkan ay mar kale ka doodaan hindise-sharciyeeeka 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira