Baarlamaanka 

”Gabdhaha in kuraas gaar ah loo xiro muhiimiyad gaar ah ayey leedahay”

Xildhibaan Cabdixakiim oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Mogadishu ayaa sheegay in uu ku qanacsanyahay maanta marxalada la joogo in ay daruuri tahay in gabdhaha ay kaalin muuqata ku yeshaan mushtamaca dhexdiisa, gaar ahaan siyaasada iyo matalaada.

Mudanaha ayaa sheegay in taasi ay ku imaan karto in tiro gaar ah ama koonto loo xadido gabdhaha, waxaa uu sii xusay in muhiimadaasi ay keeneyso in gabdhaha ay door yeeshaan.

Ilaa dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah waxaa uu xusay in loo baahanyahay in gabdhaha doorkooda la ilaaliyo.

Haweenka ayaa boqolkiisa 30 laga siiyay kuraasta Baarlamaanka, balse waxaa muuqata in haweenka mar kasta aysan helin tirade kuraasta loo cayimo.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

 

Warar kale oo la xiriira