Baarlamaanka 

Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo maanta ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal, ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka Baarlamaanka ee maamulka, kaas ajandayaashiisu ay kala ahaayeen ansixinta hindise-sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose iyo falanqeynta hannaanka doorashada labada Aqal ee federaalka iyo kaalinta Baarlamaanka Galmudug.

Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose, waxaa soo diyaarisay wasaarada arrimaha Gudaha, Federalka iy dib-u-heshisiinta Galmudug, iyadoo Baarlamaanka loo soo gudbiyay, kaddib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Xildhibaannada ayaa maanta ansixiyay sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose, waxaana sharciga oggolaatay 48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 xildhibaan, waxaana ka aamusay hal mudane, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Cusmaan (Qooje) ayaa sheegay in sharciga uu fursad u siinayo Galmudug in ay dhisanto, madaama muhiim uu u yahay dowladnimada.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira