Baarlamaanka 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta codka kalsoonida siiyay xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Rooble

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Mogadishu, ayaa codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xukuumadda cusub waxaa oggolaatay 188-mudane, mana jirin xildhibaan ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ansixinta kaddib yiri ”Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa xubnaha Golaha Shacabka oo si aan loo kala harin u ansixiyay Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabay iyo barnaamijka xukuumadda ee aan la wadaagay. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nagu garab galaan howlaha hortabinta leh”.

Golaha wasiirada ayaa ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira