Baarlamaanka 

Guddiga Qorsheynta ee Baarlamaanka Puntland oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta

Guddiga Qorsheynta, Siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL.

Wasiirka ayaa waxaa wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaana kulanka looga hadlayay shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guddiga iyo Wasiiradda.

Guddiga ayaa ka dhageystay Wasaaradda qorshahooda waxqabad, caqabadaha haysta, iyo waxyaabaha u qorsheysan inay wax ka qabtaan.

Kulankan ayaa la sheegay mid qayb ka ah kulamada kala duwan ee ay Guddiyadda Golaha Wakiilladu la qaadnayeen hay’adaha kala duwan ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Warar kale oo la xiriira