Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo caddeeyay waajibaadka ugu muhiimsan ee laga rabo xukuumadda cusub

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal, oo shalay ansixinta xukuumadda kaddib ka hadlayay howlaha ugu muhiimsan ee xukuumadda horyaalla, ayaa sheegay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin mudnaanta koowaad.

“Waxaan ognahay in xukuumaddan ay kusoo aaday xili kala-guur ah, waajibaadka xukuumaddan, waxaa hortabinta koowaad leh ka mira dhalinta qabsoomida doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, howshaasi waa howsha ugu muhiimsan ee baarlamaanka in badan uu kasoo shaqeynayay”, ayuu yiri.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xukuumadda cusub waxaa oggolaatay 188-mudane, mana jirin xildhibaan ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Madaxda maamul-gobolleedyada iyo kuwa federaalka ayaa bishii hore isku raacay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, madaama aan laga gaari karin qabashada doorasho Qof iyo Cod ah.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira