Baarlamaanka 

Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmaya

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta furamaya Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Waxaa hadda magaalada Garowe ka socota munaasabada furitaanka Kalfadhiga.

Baarlamaanka ayaa todobaadyadii kasoo dhaafay fasax ku jiray, waxaana inta uu socdo Kalfadhiga 47-aad lagu waddaa in Golaha uu meel-mariyo sharciyo badan oo qabyo ahaa.

Halkan kala soco munaasabada

 

Warar kale oo la xiriira