Baarlamaanka 

Madaxweynaha Puntland oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 47-aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada maamulka Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga, ayaa sheegay in xukuumaddu ay guulo muhiim ah ka gaartay amniga, arrimaha gudaha iyo sumuqraadiyeynta, arrimaha siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha.

Furitaanka Kalfadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira