Baarlamaanka 

Golaha Shacabka oo akhrinta 2-aad marsiiyay hindise-sharciyeedka adeegyadda baaritaanka beeraha

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta 2-aad marsiiyay hindise-sharciyeedka adeegyadda baaritaanka beeraha.

Xildhibaannada ayaa doodo adag isku weydaarsaday kulanka, waxaa dooda xooggeeda uu ka dhashay kiimikooyinka loo adeegsado beeraha, xildhibaan Gaadow, ayaa soo jeediyay in sharcigan uu yahay mid dhib badan, waxaana uu su’aal geliyay kiimikada la keenno dalka.

“Bacriminta beeraha ee dalka la keenno, waxaa ay dhibaato ku tahay amniga dalka. Waxaa uu sheegay haddii la keennayo bacrimintaasi waa in gacan amni lagu hayo”, ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdinaasir, ayaa dhankiisa sheegay in sharciga uu muhiim u yahay wax soo saarka dalka balse waxaa uu soo jeediyay in marka hore la helo nidaamka iyo sharciga kiimikooyinka.

Warar kale oo la xiriira