Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo kulan la qaatay xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Xudur  

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Dr. Cali Siciid Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Wafdiga ballaaran oo ka koobnaa xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowlad-goboleedka Koofur-Galbeed, ayaa si diirran waxaa garoonka ugu soo dhoweeyey xildhibaanno, maamulka gobolka Bakool, maamullada degmooyinka iyo bulshada inteeda kale.

Guddoomiyaha ayaa soo dhoweyn kaddib, kulamo la qaatay xildhibaannada Golaha deegaanka Xudur iyo madaxda maamulka.

Kulamadan ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo looga arrinsanayay xaaladdaha amniga, caafimaad iyo bulsho, si loo xoojiyo howlaha maamulka iyo wada-shaqeynta bulshada iyo maamulka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira