Baarlamaanka 

Imisa ajande ayaa horyaalla Baarlamaanka Puntland inta uu socdo Kalfadhiga 47-aad?

Xildhibaannada Golaha Wakiilada maamuka Puntland ayaa maanta loo qeybiyey ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 42-aad, farqadiisa 4-aad.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 25-kii bishan October furay Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada maamulka Puntland, kaddib fasax ay ku maqnayeen mudanayaasha.

15 ajande ayaa horyaalla Baarlamaanka inta uu furanyahay Kalfadhiga 47-aad, ajandaha ugu dambeeya ee Kalfadhiga ayaa ah Doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira