Baarlamaanka 

Dr. Gacal “Guddoomiyayaasha maxkamaddaha iyo xeer-ilaalinta, waxaa ay kaabi doonaan shaqadda laamaha fullinta”

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug ayaa shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey Guddoomiyayaasha maxkamaddaha iyo xeer-ilaalinta ee Dowlad-Gobolleedka Galmudug.

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta maxtooyadda Galmudug, ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada & ku-xigeenadda xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, ayaa kula dar-daarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, isagoo sheegay iney kaabi doonaa shaqadda laamaha fullinta iyo sharci dejinta.

Xaflada dhaarinta waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DGM, Gudoomiyaha Maxakamadda Sare, xeer-ilaaliyaha Guud, Hanti-dhowrka guud ee Galmudug, Xubno katirsan labadda gole ee dowladda, iyo Dhammaan howl-wadeennada Caddaaladda.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira