Baarlamaanka 

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeeshay howlaha hor-yaalla Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo la- xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 27/10/2020 waxay kulan Kula yeesheen xarunta Guddiyadda ee Villa-Hargeisa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Howl-wadeenadda Wasaaradda.

Kulankaa ayaa ajandihiisu ahaa ka war bixinta howlaha hor yaala Wasaaradda Maaliyadda oo ay ugu horeyso xiliga ay soo gudbinaayaan Miisaaniyadda 2021-ka .

Kulanka Waxaa shir-gudoominaayey xog-hayaha Guddiga Maaliyadda Mudane: Xildh: CabdiXakiim Macalin Axmed Maalin.

Warar kale oo la xiriira