Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday ogolanshaha xubinnimada xildhibaan cusub iyo ajandaha Kalfadhiga 47-aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad  Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shir-guddoominayay fadhiga 2aad ee Kalfadhiga 47-aad, kaas oo looga hadlay soo jeedinta ogolanshaha Xubinnimada Xildhibaan cusub iyo Ajandaha Kalfadhiga 47-aad.

Halkan ka akhriso qoraalka Golaha Baarlamaanka:-

Ka dib soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Gudaha Golaha Wakiillada DPL,

MARKUU ARKAY:-  Qodobka 61-aad iyo  Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka.

MARKUU ARKAY:- Qodobka 62.3-aad farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

MARKUU ARKAY:- Qoraalka ku taariikhaysan 30/09/2020 ee Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax Beeldaaje Maxamuud oo ah saxiixa xubintaas uu Golaha Wakiillada u soo gudbiyey in Ayuub Nuur Muuse uu buuxiyo kursiga xubinta Golaha Wakiillada ay Beeshu ku leedahay  ee uu banneeyey Xildhibaan hore Allaah u naxariistee Daa’uud Nuur Muuse. 

MARKUU HUBIYEY:  In Ayuub Nuur Muuse( Riyaax)  uu buuxiyey Shuruudihii xubinnimada Golaha Wakiillada ee ku xusan   Qodobka 61- aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

WUXUU GUDDIGU SOO JEEDINAYAA:

In Ayuub Nuur Muuse (Riyaax) uu Golaha ka hor akhriyo taariikh-nololeedkiisa, kadibna  loo dhaariyo ka mid noqoshada  Xubinnimada  Golaha Wakiillada DPL. 

Waxaana si rasmi ah Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ugu dhaarisay ka mid noqoshada  Xubinnimada  Golaha Wakiillada DPL. 

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyey Ajandaha qabyada ah ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 8-aad faqrada 5-aad iyo Qodobkiisa 42-aad farqada 1-aad, waxaana lagu wadda in maalina berri ah si rasmi ah loo ansixiyo.

Warar kale oo la xiriira