Baarlamaanka 

Guddomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb-galay kulan loogu mahadcelinayay Guddoonka iyo xildhibaannada

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman, ayaa xalay magaalada Mogadishu uga qeyb-galay kulan loogu mahadcelinayay Guddonka Golaha iyo xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS, sidii ay codka kalsoonida ah u siiyeen Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble iyo wasiirradiisa iyo barnaaminka xukuumadda.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal, Guddoonka Golaha Shacabka iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay sida ay u taageersanyihiin xukuumadda hadda jirta.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 24-kii bishan Oct codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble, taas oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira