Baarlamaanka 

Guddiga Hawlaha Guud ee Baarlamaanka Puntland oo kulan ka qaatay Wasiirka Ganacsiga, kaddib cabashooyin soo baxay

Guddiga Hawlaha Guud, ganacsiga iyo Kaabayaasha dhaqaalaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan deg-deg ah ugu  yeeray Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL.

Kulan-kaas oo ku saabsanaa cabashooyin ka jira Rugta Ganacsiga iyo Wershdaha Puntland oo ku aadan kala diridda guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga iyo magacaabista xoghayaha Rugta Ganacsiga. 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa guddiga warbixin ka siiyey shaqada ay wadaan iyo dedaalo loogu jiro sidii loo xalin lahaa tabashada ganacsata ay soo gudbiyeen, islamarkaana wasaaraddu ay diyaar u tahay u qaareemidda iyo taageeridda Rugta ganacsiga, si loo dhiirigeliyo  ganacsada doonaysa Maalgashiga Puntland.

Warar kale oo la xiriira